Somali News

Ra’iisul wasaare Rooble oo Madaxda Howlgalka ATMIS kala hadlay Xoojinta Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay ku-xigeenka Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS Fiona Lortan iyo taliska Ciidammada ATMIS

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha Amniga ee dalka, gaar ahaan dardar galinta howlaha Nabad ilaalinta ee Ciidamada ATMIS ka wadaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda iyo taliska ATMIS uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo wada shaqeyntoodii.

Howlgalka ATMIS ayaa Ciidamada Soomaalida ka caawiya la dagaalanka Al-shabaab, waxaana hadda waajibaadkiisa kamid ah in sannadka 2023 uu Mas’uuliyadda Amniga dalka lagu wareejiyo Ciidamada Soomaaliya.