Somali News

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay Geerida Khadra Daahir Cige

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku yimid allaha u naxariistee fannaanadii caanka aheyd Khadra Daahir Cige oo caawa ku geeritootay Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Qoraal uu soo saaray ra’iisul wasaare Xamse ayaa waxaa uu ku yiri:

“Waxaan murugada la qeybsanayaa qoyska asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday fannaanaddii Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa qoyskii ay ka geeriyootay iyo bahda fanka”.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Marxuumaddu waxa ay kaalin muuqata oo micno leh ka soo qaadatay horumarinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Marxuumadda Eebbe uga baryay in uu Jannadii Fardows ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan uu ka siiyo”