Somali News

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka tacsiyeeyay geerida Amaadulihii guutada 18-aad ee Ciidanka Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) Abaandulihii Guutada 18-aad ee GorGor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ku geeriyooday dagaalka ka dhacay magaalada Caad ee gobolka Mudug.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, runtii waa geeri murugo leh, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) oo ahaa Abaanduulihii Guutada 18-aad ee GorGor, kaas oo ahaa Halyay si daacadnimo iyo geesinimo leh ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Kawaarijta ah” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.