Somali News

Ra’iisul wasaare Xamse oo sameeyay Magacaabistii ugu horreysay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, Ayaa maanta Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa magacabay Lataliyaal oo kala ah:

1- La Taliyaha Amniga – Kamaal Guutaal.

2- La Taliyaha Arrimaha Dib u heshiisiinta – Ali Abdi Awaare.

3- La Taliyaha Xiriirka Caalamiga ah – Dr Hothon Osman .

4- La Taliyaha Arrimaha Siyaasadda – Dr Ahmed Nur Mohamed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale magacaabay Agaasimiyaal.

1-Afhayeenka ahna Agaasimaha Warbaahinta – Farhaan Maxmaed Jimcaal.

2- Agaasimaha Hab-maamuuska Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cabduullaahi Shariif Cabdi.

3- Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Haashim Maxamed Cali.