Somali News

Ra’iisul wasaare Xamse oo u safray dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Booqasho rasmi ah ayaa la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada Dal, Sida lagu xusay bogga Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.