Somali News

Ra’iisul wasaare Xamse oo wada la tashiyadii ugu dambeeyay ee dhismaha Xukumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamse Cabdi Barre, ayaa sii wada wadatashiyada ku aadan dhismaha Xukuumadda, isaga oo kulamo la qaadanaya qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Raiisul Wasaaraha ayaa qeybaha uu maanta qaabillay waxaa ka mid culamaa’udiinka Soomaaliyeed, oo uu ka dhageystay tallooyinkooda wax ku oolka ah ee ku wajahan xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay, si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, ay lagama maarmaan noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay xubno kamid ah Culimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay qeybo kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana ay is dhaafsadeen su’aallo ku aaddan xukuumadda uu soo dhisayo, iyo sidii ay fursado shaqo ugu abuuri lahayd dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay qeybo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed.