Somali News

Ra’iisul Wasaarihii Pupa New Guinea oo iscasilay

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasarihii Papua New Guinea Peter O’Neill ayaa iscasilay kadib mucaaradad weyn oo Dowladdiisa looga soo horjeedo oo dalka ka taagnaa muddooyinkii u dambeeyay.

Peter O’Neill ayaa xafiiska joogay Todobadii sano ee u dambeeysay waxaa uuna uu wajahay baaqyo ah in uu iscasilo kadib todobaadyo ay arrimo isku cakirnaayeen.

Jimcihii lasoo dhaafay ayuu aqbalay in uusan heeysan taagero uu kusii joogi karo wuxuuna ku dhawaaqay iscasilaadiisa.

O’Neill oo 54 sano jir ayaa awooda waxaa uu ku wareejin doonaa Ra’iisul wasaaarihii hore ee dalka mudane Julius Chan.

“Waa muhiim in aan heeysanno degenaansho, waan maqalnay baaqyadda waxaana ogolaanay in aan Dowladda badelno”  O’Neill u sheegay suxufiyiinta oo uu kula hadlay Caasimadda Port Moresby.