Uncategorized

Ra’iisulwasaaraha Cusub ee Ethiopia oo la dhaariyay

Muqdisho-KNN-Abiye Axmed ayaa loo dhaariyay Ra’iisulwasaraha Cusub ee Ethiopia Isniintaan, wuxuuna heeystaa ogolaansho ah in uu Dhaqan galiyo Isbadalo Dimoqaraadiyadeed oo Xisbigu uu ku doonayo in lagu yareeyo Xiisadda dalka ka Taagan.

Xisbiga taladda haya ayaa Abiy Axmed, Todobaadkii lasoo dhaafay soo magacaabay si uu u badalo Hailemariam Desalegn oo iskiis isu Casilay.

Gobolka Oromiya oo ku Hareereeysan Magaaladda Cssimadda ah ee Addis Ababa ayaa waxaa ruxay Dibad Baxyo tan iyo 2015 kii. Taasi waxay keentay in Ciidamadda Amaanku ay Dad badan Xiraan.

42 jirkaan waxaa la rumeeysanyahay in uu wax kabadali doono Xaalada Dalka ka jirta.

Wadanka ayaa hadda waxaa ku jiraa Xaalad deg-deg ah oo lagu soo Rogay markii uu iscasilaaddiisa Gudbiyay Ra’iisul wasaarihii hore.