Uncategorized

Ra’iisulwasaare Kheyre oo ciidamada Dowladda uga digay isku dhacyada dhexdooda ah.

Muqdisho-KNN- Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta shir gudoomiyay kulan looga hadlayay adkeynta Amaanka Caasimada kaas oo uu la yeeshay laamaha Amaanka ayaa waxaa uu ka hadlay isku dhacyada dhexmara ciidmada dowladda Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa uga digay ciidamada in ay isku dhacaan waxaana uu sheegay in loo baahanyahay taxadar dheeraad si aysan u imaan isku dhacyada inta badan soo noq-noqda ee ciidamada isku rasaaseeyaan.

waxaa uu Saraakiisha ciidamada ka dalbaday Ra’iisulwasaaraha in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo ay ciidamadu ku dagaalami karaan sidoo kalena la wanaajiyo iska warqabka u dhaxeeya ciidmada dowladda.

Magaaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka  ayaa inta badan waxaa ka dhaca dagaalo dhexmara ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya kuwaas oo geysta dhimasho iyo dhaawac.