Uncategorized

Ra’iisulwasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada India.

India-KNN-Madaxweynaha Dalka India Ram Nath Kovind, Ku Xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo weliba Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi Narendra Modi ayaa si wada jir Aqalka Madaxtooyadda ee dalkaasi ugu qaabilay waftigii uu hoggaaminayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Md. Mahdi Mohamed Gulleed (Khadar).

Madaxda ugu saraysa dalka India ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyey wafddiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo safar ku jooga Dalkaasi India.

Kulankoodi ka dib ayaa mas’uuliyiintan waxay ka qeybgaleen kulan casho sharaf ah oo madaxda Dalka India ay u sameeyeen wafuud ka socota 121 Dal oo ka qeybgalaya shir Caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysaiga kheyraadba dabiiciga ah ee Tamarta oo maanta ka furmaya magaalada New Dalka ee Dalkasi India.

Wafddiga Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta ay joogaan Dalkaasi India ayaa kulamo la yeelan doona qaar kamid ah madaxda shirkaasi ka qeybgalaysa oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dhinac.

Xigasho: SONNA