Somali News

Ra’iisulwasaare Rooble oo kulan hor dhac ah la qaatay cawa Madaxda maanta Soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Koofurgalbeed oo Muqdisho usoo gaaray ka qeyb galka shirka wadatashiga qaran ee la filaayo inuu ka furmo Muqdisho Sidoo kale kulankaas waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulan ay yeesheen Ra’iisulwasaare Rooble iyo madaxda Maamulada Jubbaland, K/galbeed, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka banaadir ayaa waxaa looga hadlay furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlaayo arimaha Doorashooyinka.

Qababan-qaabadii ugu danbeysay ee shirka ayaa socota xili aysan wali magaalada Muqdisho soo gaarin madaxweynayaasha Puntland iyo hirshabeelle kuwaas oo la filaayo iney iyaguna yimaadaan Muqdisho si loo amba qaado shirka ka dhici doona xerada xalane.