Muqdisho-KNN-Rai’sul wasaaraha dowladda ay Qaramada Midoobay ay taageerto ee Liibiya ayaa cambaareyn adag dusha uga tuuray beesha caalamka.
Fayez al-Serraj ayaa cambaareeyay “aamusnaanta ay beesha caalamka ka aamusan ” yihiin xoogagga so weeraray caasimada Tripoli.
Mr al-Serraj ayaa warbaahinta u sheegay in dadkiisa ay dareemayaan in beesha caalamka ay meel cidlo ah uga dhqaaqeen.
Waxa uu intaa ku daray in haddii lagu guuldareysto in la taageero dowladda ay beesha caalamka aqoonsan tahay “ay horseedi karto cawaaqib xun”, isaga oo farta ku fiiqay in kooxda IS ay ka faaidaysan karaan xasilooni darada Liibiya.
Wax laga xumaado ayuu ku tilmaamay in aysan golaha ammaanka qaadin wax tallaabo ah maadaama aysan wali is afgarad ka gaarin qaabkii loola tacaali lahaa arrintan faraha ka sii baxaysa.