Uncategorized

Rajo laga muujiyay dadaalada dhex dhaxaadinta ee Golaha Shacabka.

Muqdisho-KNN-Cabdi Barre Yuusuf oo ah Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mira dhalka dadaalada Nabadeed ee laga dhax wado golaha shacabka Soomaaliya.

"Rajo wanaagsan ayaa ka qabnaa gudiyada labada dhinac iyo waan waanta laga dhax wado, wararka waxay sheegayaan in is faham laga gaaray qodobada qaar inta dhimana guul ayaa ka filayaa"ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku amaanay dadaalka uu ugu jiro in is faham lagu dhameeyo jahwareerka ka jira golaha shacabka Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii ay Labada dhinac ee Baarlamaanka Soomaaliya magacaabeen gudiyo ku matala wadahadalka ku aadan xal u helidda Mooshinka gudoomiye Jawaari kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay kulamo la qaadanayay Madaxweynaha Soomaaliya.