Somali News

Rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday meel u dhaw taalada Xaawo Taako.

Sarkaalkaan ka tirsan milateriga Soomaaliya islamarkaana hore uga tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxtooyada oo lagu magacaabo Maxaadeey Saleebaan Eebakar ayaa goordhow lagu dhaawacay meel u dhaw talada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale geeriyooday mid kamid ah ilaaladiisa.

Dhimashada Askariga iyo dhaawaca Sarkaalka ayaa timid kadib markii ay rasaaseeyeen gaari uu la socday ciidan ilaalo ka ah Hotelka Maa’ida Ex Naasa-hablood laba ee degmada Xamar wayne.

Wararka qaar sheegay in Madaxeey uu u geeriyooday rasaastaasi balse wixii warar ah ee ka soo kordha waan idinla wadaagi doonaa Insha Allah.