Somali News

Rasaas goos goos ah oo laga maqlayo duleedka Laascaanood

Rasaas xooggan ayaa saacadihii u danbeeyay laga maqlayaa gudaha Taliska Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde ayaa rasaastaas ridaya sida wararkii ugu dambeeyey sheegayaan.

Weli ma cadda in rasaastaasi tahay iska hor-imaad ka dhex qarxay dhinacyada dagaalamaya iyo in ay tahay xeelad dagaal.