Sports

Rasmi: Chelsea oo samaysay laba saxiix oo waaweyn

Muqdisho-KNN-Wararka ugu dambeeyay ka imaanaya London, Chelsea ayaa xaqiijisay labo saxiix oo cusub ka hor bilowga xilli ciyaareedkan, taasoo lagu dhawaaqi doono saacadaha soo socda.

Sida ay soo uruurisay Corriere Dello Sport, kooxda Athletic Bilbao shabaq ilaaliyaheeda Kepa Arrizabalaga ayaa ku biiri doona Stamford Bridge qiimo dhan €80m, taasoo ah qiimaha qandaraaskiisa lagu burburin karo.

Goolhayaha da’da yar ayaa la rajeynayaa inuu bedelo Thibaut Courtois, kaasoo ku biiri doono Real Madrid, sidaasi darteed Chelsea ayaa heshay lacag dhan €80m oo ay ku qarashgareysay goolhayahooda cusub.

Kooxda ka dhisan London ayaa sidoo kale ku dhawaaqeysa saxiixa xiddiga Real Madrid Mateo Kovacic, kaasoo ku imaanaya heshiis amaah ah xilli ciyaareedka soo socda.