Somali News

Raysal wasaarihii hore ee Ivory Coast oo geeriyooday

Mudisho-KNN-Raysal Wasaarihii Ivory Coast oo geeriyooday kadib kulan uu laqaatay Golihiisa Wasiirada.

Raysal wasaarihii dalka Ivory Coast Amadou Gon Coulibily ayaa geeriyooday kaddib markii uu xanuun ku soo booday isaga oo kulan la lahaa wasiirada xukuumadiisa.

Da’diisu waxay ahayd 61 waxaana dhawaan loo doortay in uu noqdo musharaxa xisbiga talada dalkaasi haya doorashada dhaceeso bisha soo socota ee Oktoobar.

Raysal Wasaarahan ayaa dhawaan ka soo laabtay dalka Faransiiska halkaas oo muddo laba bilood ah looga daweynayay xanuun dhinaca wadnaha.

Madaxweynaha dalka Ivory Coast Ouattara ayaa sheegay in dalku uu ka murugeysanyahay Raiisul wasaaraha geeriyoday.