Muqdisho-KNN-Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay diidday dalabkii ugu horeeyay ee Manchester United kaas oo ay ku doonayaan ciyaaryahanada Gareth Bale, Toni Kroos iyo Luka Modric,yadoo Los Blancos lagu wargeliyay seddex ciyaaryahan oo waawayn in laga daneenayo kuwaas oo ay doonayso Red Devils ah.
Dhankakale Goolhayaha United David de Gea ayaa ah ciyaaryanka isha ay ku hayso Real Madrid, halka Bale la sheegay inuu u dhaqaaqi karo kooxd ka dhisan Old Trafford.
Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, kooxda La Liga ka dhisan ayaa sidoo kale xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe Paul Pogba iyo weeraryahan Anthony Martial, iyagoo la ogyahay w in ay ka warqabaan wax walba oo kusaaabsan qandaraas kooda.
Sikastaba xiisahan labada dhinac ah oo ay ciyaaryahano iska kala doonayaa kooxaha Untd iyo Madrid ayaa ah arin laga war dhowrayo xagaaga soo aadan.
Michael Carrick ayaa lagu wadaa inuu ciyaaraha ka fariisto xagaagan, halka Marouane Fellaini uu qandaraaskiisa uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan maclinka Untd ayaana daneenayo ciyaaryahano waawayn.
Sidoo kale macalin zidane ayaa qorshaynaya inuu wajiyo cusub kusoo kordhiyo kooxda Real Madrid xagaaga soo aadan.
Qalinkii:Aadam Aqyaar