Sports

Real Madrid oo dacwad ka ah Inter

Muqdisho-KNN-Real Madrid ayaa diyaar u ah inay dacwad u gudbiso UEFA taas oo ka dhan ah kooxda Inter wadahadalada ciyaaryahan Luka Modric.

Waxaa la sheegayaa in Luka Modric uu si dhab ah u tixgelin lahaa mustaqbalkiisa Real Madrid, iyadoo Inter Milan ay diyaar u tahay inay lasoo wareegto islamarkaana wadahadalo goor sii horaysay ay la bilowday ciyaaryahanka.

Xiddiga reer Croatia ayaa qarka u saaran inuu wadahadalo la yeesho Florentino Perez si uu cadeeyo mustaqbalkiisa.

Warar ka soo baxaya Foxsports ayaa sheegaya in Real Madrid ay dooneyso inay UEFA u soo bandhigto Inter Milan, iyadoo si aad ah uga careysan nerazzurri iyadoo isku dayaysa inay ka afduubato kubad qaabeeyaheeda reer Croatia. Heshiiska Inter ee Modric ayaa laga yaabaa inuu ka hor imaanayo go’aanka FFP.

Waxaa la sheegayaa in Inter ay ka faa’iideysan doonto mulkiilayaasheda maaliyadeed Suning Group, si ay u maal gashadaan Modric, laakiin maalgelintaas maahan habka ay aqbalayaan UEFA.

Luka Modric ayaa imaan doona berri isaga oo la hadlaya wakiilladiisa iyo isagoo lahadli doono madaxwayne Perez, waxaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqi doona go’aankiisa inuu ka tago Los Blancos in kale.