Sports

Real Madrid oo lacago rikoor ah ku doonaysa Eden Hazard

Muqdisho-KNN-Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay dib u fiiriso qorshaheeda xagaaga soo aadan.

Iyadoo ka fiirsaneysa inay dalab lacago bdn ah u dirto xiddiga Chelsea Eden Hazard oo gaaraysa £100.

Hazard ayaa la sheegay inuu diirada u saaranaa kooxda ku ciyaarta garoonka Bernabeu xilli ciyaareedyadii lasoo dhaafay, laakiin waxaa la filayay inay xiiseynayaan inay soo afjaraan xagaaga soo adan inuu yimaado Madrid..

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la fahamsan yahay in kooxda ka dhisan La Liga aysan wali sameynin wax su’aalo ah oo ku aadan Chelsea ama xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium, islamarkaana damaceedu aysan usoo bandhigin Chelsea.

Chelsea ayaa diidan inay iska iibiso 27 jirkaan, waxaana ay dalbaneysaa inay bixiso kooxda doonaysa lacag ka badan 100 milyan oo ginni.

Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale lala xiriirinaya adeega wiilkii hore koooxda Lille iyagoo aaminsan in ay lacagahaas iyagu bixin karaan si ay ugusoo celiyaan Ligue 1.

Qalinkii: Aadam Aqyaar