Sports

Real Madrid oo markii 13 hanatay koobka horyaalka Yurub

Muqdisho-KNN-Kooxda Real Madrid ee dalka Isbiin ayaa xalay markii 13 naad  hanatay koobka horyaalka Yurub’ iyadoona  sedaxdii sano ee ugu dambeysay si xariir ah ugu guuleysanegsay Koobkaan.

Ciyaar aad loo wada sugaayay oo maalaayiin ruux oo xiiseeya kubada cagta ayaa xalay dhax martay kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

Wiilka wacdaraha ka soo dhigay horyaalka Ingiriiska una dhashay dalka Ejebti Maxamed Salax ayaa nasiib daro ciyaartaas ciyaaray 30 daqiiqo oo kaliye kadib markii dhaawac uu ka soo gaaray dhanka iyo Garabka taas oo loo maleynnaayo in gacanta iyo garabka ay kala baxeen.

Wixii ka dambeeyay markii Maxamed Salax oo ilmeynaya uu ka garoonka ka baxay ayaa ciyaartoyda Real waxaa ka dagay culeys weyn oo saarnay 30kii daqiiqo ee hora.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay goolal la’aan.

Laakiin saqiiqadii 51 ayaa Real waxaa goolka hore u dhaliyay xiga reer Faransa ee Benzema’ kaas oo khalad uu galay gool hayaha ku ciqaabay kooxda Liverpool, balse  afar daqiiqo uun ka dib ayaa goolkii barbarraha ahaa waxa kooxda Liverpool u dhaliyey Sadio Mane.

Real Madrid ayaa si fiican u dishay ciyaarga daqiiqadihii 64-aad iyo tii 83-aad oo laba gool ee guushu ku raacday kooxda Real Madrid la timid.

Dadka ka faalooda kubada cagta ayaa guul darada soo gaartay kooxda Liverpool ku sababeeyay niyad jab ka ciyaartoyda ka soo gaaray dhaawicii Maxamed Saalax.