Sports

Real Madrid oo qorshaynaysa inay heshiiska u kordhiso Cristiano Ronaldo ka hor koobka aduunka.

Muqdisho-KNN-Sida ay qortay jariirada ‘AS’, Real Madrid ayaa dooneysa inay qandaraaska u cusbooneysiiso ka hor inta uusan aadin C/Ronaldo Koobka Adduunka.

Si aad u sheegto in Real Madrid ay ku qanacsan tahay qaab ciyaareedka Ronaldo ayaa ah mid aad u sareysa.

Waxa ay si aad ah ugu faraxsan yihiin qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan, gaar ahaan 2018, sida ay ku warameyso warbaahinta Spanish-ka sidaas darted waxa ay ku wargeliyeen Cristiano inay doonayaan inay qandaraaska u cusbooneysiiyaan.

Jose Angel Sanchez, oo ah agaasimaha guud ee kooxda, ayaa lagu soo waramayaa inuu la hadlay wargeyska si uu ugu sheego in Madrid ay aad ugu faraxsan tahay qaab ciyaareedkiisa islamarkaana qorsheyneyso qandaraas cusub, iyadoo mushaar kordhin lagu darayo heshiiska.

Sida laga soo xigtay ‘AS’, mushaarka Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa inuu ka bato 21 milyan euro ilaa 30 milyan euro, maadaama  uu ku jiro qaab ciyaareed heersare ah.

Qorshaha kooxda ayaa ah inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo ka hor inta uusan  xulkiisa Portugal uu ku hogaamin dalqaboobaha Russia oo June bartamaheeda ka furmayo koobka aduunka.

Sikastaba wiilka  Real Madrid ugu wanaagsanaa tan iyo markii u kusoo biiray 2009kii ayaa lahadal hayaa inuu xagaaga soo adan faarujin doono masraxa Real Madrid.

Qalinkii:Aadam Aqyaar