Sports

Real Madrid qadkeeda dhexe Luka Modric: “Waa macquul Inaan u dhaqaaqo mustaqbalka horyaalka MLS”

Muqdisho-KNN-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaan meesha ka saarin inuu u dhaqaaqi doono horyaalka MLS ka dib mustaqbalkiisa.

Modric ayaa imaanaya xilli ciyaareedkiisii ​​lixaad ee Bernabeu, xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia ayaana sheegay inuu jeclaan lahaa inuu xirfadiisa ciyaareed kusoo gabagabeeyo kooxda reer Spain.

Si kastaba ha noqotee, iyada oo magacyo waawayn ay u wareegeen horyaalka Mareykanka, Modric ayaa soo jeediyay in ay tahay wax uu ka fiirsan karo taariikh dambe iyo waayihiisa.

32 jirkaan ayaa yiri: “Marnaba ma ogid waxa dhici kara, weli waxaan heystaa labo sano oo qandaraaskeyga Real Madrid ah, waan ku faraxsanahay halkaan.

“Waxaan mar walba sheegaa inaan jeclaan lahaa inaan mustaqbalkeyga ciyaareed ku dhammeeyo Madrid haddii ay macquul tahay, laakiin hadii aysan aheyn, waxaa laga yaabaa inaan sidoo kale ku arko Maraykanka inaa waqtigayga ku dhameesto.”

Modric  oo labo sanno ka hartay qandaraaskiisa, ayaa 251 kulan u saftay Real tartamada oo dhan.

Qalinkii:Aadam Aqyaar.