Uncategorized

Reer Beladweyne” Dowlad iyo dad hadii aan leenahay dhibkaan hanagala soo Gaaro! “

Beladweyne-KNN-Dhibaatada ka taagan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa faraha ka sii baxeysa, kadib markii ay Xaafadaha magaalada buux dhaafiyeen Biyaha Fatahaadda Wabiga Shabeelle ee mara Beladweyne.

Kumanaan shacab ah ayaa magaalada ka barakacay waxayna daadsan yihiin duleedka magaalada gaar ahaan dhulka Buuraha ah, dadkaas ayaa isugu jira Carruur, Dumar iyo waayeelo oo ay wali ku dhaceyso dhibacda roobka iyo qabowga oo aad looga dareemayo gobalka.

Warbaahinta gobalka ayaa soo bandhigaya muuqaalo laga naxo oo ay ku jiraan Guryo ay biyaha ka dulmareen hanti baa ba’day iyo dad dhibaataysan.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Biyo dhabarkiisa ku jooga dhax taagan ayaa warbaahinta u sheegay in aysan Hirshabeelle waxba ka qaban karin musiibada ka taagan Beladweyne waxa uuna dalbaday gacan Bini-aadinimo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in magaalada ay Koronto ka kacday taas oo ugu yaraan dishay hal qof kadib markii ay biyaha soo rideen Baalayaashii Korontada.

Maamulka Shirkadda Korontada ee Dayax oo ah shirkadda ugu weyn ee Beladweyne ayaa Damiyay Korontada cabsi laga qabo inay dadku ku dhamaadaan waxayna taasi sababtay inuu lumo xiriirka Shacabka kadib markii telephonadii dameen.

Shacabka reer Hiiraan oo Warbaahinta la hadlay ayaa yiri ” hadii aan leenahay Dowlad iyo dad, maanta gurmad ayaa u baahanahay xaalad halis ah ayaa ku jirnaa ee hanagala soo gaaro”.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin dhibaatada Beladweyne mana muuqaato ifi-faalo muujinaya in dadkaas ay helaan jawaab deg deg ah.

Shacabka gobalka Hiiraan ayaa markii hore dhib ku qabay Lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo aan gobalka ka shaqayn hadane waxaa ugu darsoomay fatahaadda Wabiga oo magaalada oo dhan saameeyay.