Uncategorized

Reysulwasaare Xigeenka Turkiga oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray.

Muqdisho-KNN=Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya  soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo oo maalhan la hadalhayay imaanshiyahiisa.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro, Xildhibaano, Safiirka Turkiga Soomaaliya, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale oo dowlada Soomaaliya ka mid ah.

Soo dhoweyn ka dib Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Jaush Ogolo ayaa booqanaya saldhiga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

waxaa inta uu joogo dalka Reysulwasaare xigeenka Turkiga Lagu wadaa inuu la kulmo madaxda Dowlada Federalka ah oo uu Madaxweyne farmaajo ugu horeyso.

Turkiga ayaa taageera dowlada Soomaaliya waxaana ay dhawaan Muqdisho ka hirgaliyeen Saldhig Militari oo aad uweyn iyadoona Sidoo kale lagu wado in midkale Dhisaaan.