Sports

 Ronaldinho: “Paul Pogba wuu ku guuleysan karaa Ballon d’Or  hadii uu sii joogo Manchester United”

Muqdisho-KNN-Halyeeyga reer Brazil Ronaldinho ayaa sheegay in Paul Pogba uu awood u leeyahay inuu ku guuleysto Ballon d’Or hadii uu Sii joogo ​​Manchester United.

Pogba ayaa saameyn weyn ku yeeshay United tan iyo markii uu u dhaqaaqay Old Trafford sannadkii 2016, laakiin inkastoo xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska lagu dhaleeceeyay xilli ciyaareedkan bandhigiisa, weli xiddiga khadka dhexe ayaa shan gool dhaliyay xagaagan 10 kalana  caawiyay 23 kulan oo Premier League ah.

Tababare Jose Mourinho ayaa bilaabay inuu u adeegsado Pogba kursiga keydka iyo sidoo kale inuu bedelo ciyaaryahankii hore ee Juventus, laakiin Ronaldinho ayaa dareensan in ciyaaryahanka uu ka baran karo tababarihiisa haatan casharo u wnaagsan.

38 jirkaan ayaa waa Ronaldinho ayaa u sheegay Canal: “Waxa uu ku guuleysan karaa Ballon d’Or, shaki la’aan, waxaan arkayaa Pogba saaxiibtinimadiisa, waa ciyaaryahan da ‘yar ah oo karti leh”isagoo ciyaara meel walba, wuxuu ka ciyaari karaa booska xorta ah, daafac ahaan, qadka dhexe ama weerarka, wuxuu leeyahay dabeecada wanaagsan ciyaaryahankan waa mid oo buuxin kara boos kasta, wuxuu sameyn karaa taariikh.

“Waxaan qabaa in Pogba uu heysto wax badan oo uu ka baranayo Mourinho, kaasoo ah mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka, tababaraha ayaa ku guuleystay koobab badan, waa in uu ixtiraamo macalinkiisa.”

Pogba ayaa ku adkeysanaya inaysan jirin wax dhibaato ah oo dhextaal isaga iyo Mourinho.

Qalinkii:Aadam Aqyaar