Sports

Ronaldo malahan, taageero Malahan,

Muqdisho-KNN-Kooxda Los Blancos ayaa bilaawatay xalay kulankii 1aad horyaalka Laliga xili ciyaarewdkan iyagoo dheelaya xagaagan Ronaldo La’aan.

Kooxda Real Madrid ayaa 10 sano kadib xalay dareentay Jamaahiir la’aan maadama taageero yar ay soo xaadireen taas oo loo micneeyay katagidii Kooxda ciyaaryahan Ronaldo.

Ronaldo ayaa xagaagan si layaab leh ula midoobay kooxda Juventus isagoo kasoo muuqday Horyaalka Italian Sare A walow kulankiisa 1aad uusan shabaqa taaban.

Mudo ku dhow 10sano taageerayaashii ugu yaraa ayaa soo xaadiray garoonka Santiago Bernabeu xalay iyagoo ay joogeen 48,566.

Sikastaba Real Madrid ayaa guul ku bilaabatay horyalka La Liga Xili ciyaareedkan 2018-2019 iyadoo 2:0 kaga awood roonaatay kooxda Getafe.