Uncategorized

Roob ka da’ay Gobolka Awdal oo dilay illaa Shan Qof

Awdal–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Awdal ee Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya,balse hadda la baxay Somaliland ayaa sheegaya in Roob Daadad oo 24-kii Saac ee la soo dhaafay halkaas ka da’ay uu Sababay Dhimashada Shan Qof.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa Xaqiijiyay Dhimashada Shan Qof oo ay ku jiraan Hooyo iyo Labo Carruur ah oo ay dhashay,kuwaas oo uu qaaday Daadad ka dhashay Roob ka da’ay Degaanada ku Xeeran Gobolka Awdal.

Sidoo kale waxaa jira illaa Afar Qof oo ku Waxyeeloobay Daadadka ku soo rogmaday halkaas islamarkaana la dhigay Dadkaasi Goobaha Caafimaadka.

Gobolka Awdal ee Degaanada Somaliland ayaa ka mid ah Goobihii ay Saameynta badan ku reebtay Abaarta Sima ee Soomaaliya oo dhan saameysay.