Somali News

Roob khasaare Nafeed geystay oo ka da’ay Hargeysa

Hargeysa-KNN-Roob xoogan oo galinkii danbe ee maanta ka da’ay magaalada Hargeysa ayaa geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa Lix qof ayaa la sheegay in ay geeriyootay halka dhaawaca uu intaas ka badanyahay, mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Soomaaliland oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in gaadiidka gurmadka loo diray xaafadaha kala duwan ee magaalada si gar gaar caafimaad loogu fidiyo dadka ku waxyeeloobay Roobka.

Dadka ku dhintay daadadka Roobkaas ayaa labo kamid ah waxaa la sheegay in ay dishay koronto, waxaa sidoo kale ku jira Seddax Wiil oo isla dhashay kuwaas oo la sheegay in ay daadadku qaadeen.

Wixii wara ee kasoo kordha kala soco halkaan :