Uncategorized

Roob lagu diirsaday oo xalay Muqdisho ku hooray.

Muqdisho-KNN-Saacadihii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka hooray roob lagu diirsaday kadib kuleel badan oo magaalada ka jiray.

Roobka oo xooganaa ayaa xalay ka da’ay degmooyinka gobalka Banaadir waxaana ku diirsaday dhamaan shacabka Muqdisho, xaafadaha qaar ayuu saameeyay roobka gaar ahaan Xeryaha Barakacayaasha.

Wadooyinka Muqdisho ayuu sidoo kale biya dhigay roobka, waxaana ay biyo xireen wadooyinka qaar.

Dadka reer Muqdisho ayaa maalmihii iyo habeenadii la soo dhaafay wajahayay kuleel daran waxayna dhowrayeen raxmadda EEBBE.