Somali News

Roob lagu qabowsaday oo xalay ka da’ay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Roobka Guga ayaa xalay ka curtay guud ahaan Magaalada Muqdisho, iyadoona saameen uu ku yeeshay  isku socodkii magaalada iyo sidoo kale dadka barakacayaasha ah.

Barakacayaasha ayaa guryahoodii ka sameysnaa cooshadaha waxaa ugu galay biyo aad u badan, iyadoo xalay oo dhan aanay seexan, mana jirin wax gurmad ah oo ay heleen.

Sidoo kale, roobkan ayaa biyo dhigay waddooyin waaweyn oo magaalada Muqdisho, isaga oo saameeyey isku socodka magaalada.

Wadada Wadnaha iyo qeybo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama waxaa buuxsamay ciid ama carro, taasi oo ka timid xaafadaha ku dhow waddoyinkaasi, iyadoo gaadiidka ay ku dhib qabaan marista waddooyinkan, sida ay soo wariyeen wariyaasha KNN.

Sidoo kale Xaafadaha degmooyinka qaar ayaa xalay waxaa buux dhaafiyay biyaha roobka, iyadoona la arkayay, iyagoo dadka daabulaya Biyaha roobka.

Dhanka kale gobalada dalka ayaa xalay waxaa ka da’ay roob saameeyay dadka iyo duunyada.