Somali News

Roob Saakay ka da’ay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Waxaa saakay Magaalada Muqdisho  ka da’ay Roob , kaasi oo saameyn ku yeeshay isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha Muqdisho, iyadoona ay xusidmudan tahay in wadooyin qaar iyo xaafadaha ay biyo dhigeen.

Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho waxaa socda daad xoogleh kaas oo sababay in gaadiidka qaarkii aysan socon.

Sidoo kale roobka saakay ka da’ay Magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay dadka danta  Yar ee Ku nool Magaalada Muqdisho.