Uncategorized

Roobabkii ka da`ay Muqdisho oo xiray wadooyinka soo gala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde

Muqdisho-KNN-Roobkii shalay ka da`ay magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Roobka ayaa biyo dhigeyn ka sameeyay waddooyin dhowr ah oo soo gala Garoonka, waxaa ka mid ah waddooyinka biye fadhiisinka noqday wadada ka baxda KM4 ee aada Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wadadaas oo ay maanta ay isticmaali Karin Gaadiidka yar yar, biyo buux dhaafiyay wadada aawgeed balse wadada waxaa mari kara oo isticmaali kara kaliye Gaadiidka waa weyn ee xamuulka qaada iyo kuwa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Mararka ay da`aan Roobabka mahiigaanka ah ayaa waxaa xirma qaar ka mid ah wadooyinka mara magaalada muqdisho.