Somali News

Roobka gu’ga oo ka curtay Galgaduud

Cadaado-KNN-Iyadoo maalmihii la soo dhaafay guud dhulka Soomaaliya laga dareemayay kuleel daran iyo meelaha qaar oo ay ka jirto abaaro dadka iyo duunyada saameeyay ayaa xalay degaano katirsan Gobalka Galgaduud waxaa ka curtay Roobka gu’ga.

Wariyaha Idaacadda Kulmiye ee magaalada Cadaado ayaa soo sheegaya in Roobka si wayn looga soo dhaweeyay Galgaduud waxaana uu ka da’ay degaano iyo degmooyin katirsan Galgaduud.