Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isbitaalka ku booqday askar iyodad shacab ah oo ku soo dhaawacmay iska caabinta weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug.
Ra’iisul Wasaaraha oo isdul taagay dhaawacyada ayaa dhaqaatiirta ka dhageystay warbixinta la xiriirta dhaawacyada, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah, waxa uuna uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen dagaalameyaasha Al-shabaab ee deegaankooda weeraray.


