Somali News

Rooble oo ka hadlay qaraxii lala beegsaday afhayeenka xukuumaddiisa.

Muqdiaho-KNN-Ra’iisal wasaare Maxamed Xusseen Rooble, ayaa qoraal lagu baahiyay bogga xafiiskiisa waxa uu ku cambaareeyay qaraxii lala beegtay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Ra’iisal wasaaraha ayaa afhayeenka u rajeeyay caafimaad deg deg ah iyada oo isla qoraalkaas lagu sheegay in xaaladdiisa ay haatan wanaagsantahay.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay gaari uu watay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhacay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.