Somali News

Rooble oo magacaabay guddiga amniga ee Xafladda caleema saarka Xasan Sheekh

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga Amniga ee Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga ayaa waxaa ay ka kooban yihiin toddobo xubnood oo Wasiiro iyo Taliyeyaal ciidan isugu jira.

Xafladda Caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in la qabto 9 bisha June 2022-ka.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu martiqaaday Madax ka socota dalalka Gobolka.