Somali News

Rouhani oo laba bil u qabtay dalalka Yurub

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa maanta laba bilood siiyey dalalka Yurub si ay u bad-baadiyaan heshiiskii 2015-kii laga gaaray Nukliyeerka dalkiisa.

Rouhani ayaa si kastaba ka digay in Tehran ay diyaarineyo xadgudubyo kale oo dheeri ah oo ay ku sameyso heshiiska kuwaas oo yeelan doono “saameyn aan caadi ahayn”

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo saraakiisha Iran ay jawaabo is-khilaafsan ka bixiyeen yabooh ka yimid Faransiiska oo ah in la deyminayo 15 bilyan oo dollar illaa dhammaadka sanadka, haddii ay Iran si buuxda ugu hoggaansanto heshiiska.

Sarkala sare ayaa sheegay in Iran ay u hoggaansameyso heshiiska haddii lacagtaas dayn ahaan loo siiyeo, ama looga iibsado saliid, halka taleefishinka dowladda ee Press TV uu sheegay in Tehran ay diiday yabooha Midowga Yurub.