Somali News

Ruushka: Boqolaal dibad baxayaal ah oo xabsiga la dhigay

Booliiska wadanka Ruushka ayaa Xabsiga dhigey in kabadan 260 qof oo dibad baxyaal ah kuwaas oo ay isku dhac ku dhexmarey iyaga iyo Booliiska Magaalooyiinka waaweyn ee Dalkaas.

Dadka dibad baxyaasha ah ayaa Dalbaneya in Xabsiga laga siidaayo Siyaasiga uguweyn Mucaaradka Dalkaasi Alexey  Navalny kaas oo Maxkamd kutaala Dalkaas ay xukuntey in muddo Sodon Maalin ah Xabsiga lagu baayo.

Mudaaharaadyada ugu weyn ayaa waxaa ay ka dhacayaan Magaalada Moscow ee Xaruunta wadankaasi Ruushaka iyo Magaala Xeebeedka Kale ee Vladdivostok iyada oo Dibad baxyaashuna ay xireen inta badan wadooyiinka Waaweyn