Somali News

Ruushka oo diyaarad dagaal u diray dalka Venezuela.

Muqdisho-KNN-Diyaarad kamid kuwa xooga cirka ee dowlada Ruushka ayaa ka dagtay garoonka wayn ee caasimada dalka Venezuela sida ay warisay wakaalada wararka ee Rueters.

Diyaaradan oo lagu magacaabo An Ilyushin 62 ayaa nambarkeedu yahay RA-86496 iyadoona ka dagtay garoonka caalamiga ah ee Simon Boliver kaas oo ku yaalo magaalada caasimada ah ee Caracas.

 Bishii Murch labo diyaaradood oo kuwa xooga cirka Ruushka katirsan oo sida saraakiil Ruushka oo dhanka difaaca ah iyo ciidamo gaaraya 100 askari ay kadagtay gudaha dalka Venezuela.

Washington ayaa Moscow ku eedeesay in ay sii horinayso xiisada kataagan dalka Venezuela iyadoona ku tilmaamtay talaabooyinka Ruushka ku tilmaamtay kuwa taxadar la’aan ah.

Madaxwaynaha mareykanka Donald Trump ayaa dhankiisa bishii March ku amaray Ruushka in dhamaan ciidamiisa uu kala baxo Venezuela.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa lakala safan hogaamiyaha mucaaradka dalkaasi Juan Guido iyo hogaamiya shuuciga ah ee Venezuela Nicalos Maduro.