Somali News

Ruushka oo diyaaradihiisa ka joojiyay in ay u duulaan dalka Georgia

Muqdisho-KNN-Madaxweyne Valadimir Putin ayaa si ku meel gaar ah ku mamnuucay in diyaaradaha ruushku ay u duulaan dalka Georgia kadib markii ay dalka ka bilaabatay fowdo iyo degenaansho la’aan.

Waxaa uu saxiixay wareegro uu ku sheegay in laga fogaanayo khasaare soo gaara qalabka diyaaradaha iyo rakaabka ay masuulka ka yihiin.

Talaabadaan ayaa waxay imaaneysaa kadib markii ay 240 maalmood ku dhaawacmeen mudaharaadyo ka dhashay Xildhibaan Ruush ah oo lagu dhex arkay Baarlamaanka Georgia.

Dhanka kale, xiisad u dhexeysa labadda dhinac ayaa meel sare gaartay 11 sano kadib markii ay ku dagaalameen gobolka dhaca koonfurta dalkaas ee Ossetia.

Sidoo kale Dowladda Ruushku waxay ku talisay in hey’adaha duulimaadka Ruushku ay joojiyaan safarkii ay ku tagayeen dalka Georgia.