Somali News

Ruushka oo duqeyn xoog leh ka geystay magaalo ku taalla Ukraine

Ukraine waxay sheegtay in Ruushka uu si xooggan u duqeeyay magaalada koonfurta ku taalla ee Mykolaiv.

Duqa magaalada ayaa sheegay in in mid kamid ah ragga ugu taajirsan Ukraine iyo xaaskiisa ayaa halkaa lagu dilay.

Wuxuu intaa ku daray in duqeymaha Ruushka ay burburiyeen maqaaxi, goob kubadda lagu ciyaaro, iskuullo iyo guryo.

Magaalada Mykolaiv waxay ku taalla waddada weyn ee aada gobolka Odesa oo ay ku taal dekedda ugu weyn Ukriane halkaas oo si joogto ah ay u duqeeyeen ciidamada Ruushka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay dadka rayidka ah inay isaga baxaan deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamadiisa gobolka bariga ku yaalla ee Donetsk.