Somali News

Ruushka oo isku diyaarinaya Dhoolotus militari

Muqdisho-KNN-Diyaargaroowga Dhoolotus militari mid kii ugu weynaa tan iyo Dagaalkii Qaboobaa  ayaa ka socda Wadanka Ruushka, kaaso oo ay ka qayb qaadanayaan ku dhawaad 300,000 oo Askari, waxaana lagu qabanayaa Bariga Siberia.

Shiinaha ayaa 3,200 oo askari u diraya si ay ug qayb qaataan dhoolo tuska, Ciidanka shiinuhu waxay wataan Gawaarida Gaashaaman iyo Diyaarado Dagaal.

Markii ugu Dambeeysay ee Ruushku sameeyo Dhooltus nuucaan ah waxay ahayd sanadkii 1981kii, Ciidankii sanadkasna waxaa ka badan Ciidanka sanadkaan dhoolotuska xaadiri doona.

Dhoolotuskaani waxaa uu imaanayaa iyadoo ay meel sare gaartay xiisadda u dhexeeysa Nato iyo Russia.