Somali News

Ruushka oo jaraya korontada uu siiyo Finland

Ruushka ayaa joojin doona korontada uu siiyo Finland usbuucan dhamaadkiisa, iyadoo ay sii kordheyso xiisadda ka dhalatay dalabka Helsinki ee NATO.

“Waxaan ku qasbannahay inaan joojino  korontada laga bilaabo May 14,”  ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Shirkadda RAO Nordic, oo   tamarta u qaabilsan dawladda Ruushka.

Tillaabadaan uu Ruushka qaaday ayaa ku soo aadeysa Xilli Finland ay dalbatay in ay ku biireyso Gaashaanbuurta NATO, waxaana arrintaasi aad uga carootay Xukumadda Moscow.

Ruushka ayaa bishii Febraayo weerar ku qaaday wadanka Ukraine, waxaana uu cabsi ka qabaa saameyn sii fideysa ee Gaashaanbuurta NATO ku yeelaneyso dalalka Dariska la ah.