Somali News

Ruushka oo qarka u saaran in laga mamnuuco cayaaraha caalamka

Muqdisho-KNN-Ruushka ayaa waji kara in laga mamnuuco dhaamaan cayaaraha caalamka kadib markii ay natiijooyin kala duwan kasoo baxeen xogta Shey-baarka sida ay sheegtay Hey’adda caalamka u qaaabilsaan ka hortagga daawinka jirka xoojiya.

Wadanka waxa la siiyay muddo sedax todobaad ah si uu u sharaxo “isqaadan waaga” jira, haddii kale waxaa uu khatar ugu jiraa in laga saaro dhacdooyinka cayaaraha caalamiga ah.

Ruusha waxaa sidoo kale laga joojin karaa marti gelinta cayaaraha waa-weyn.

“Waxaaa jiraa cadeymo la tiray” ayuu Jonathan Taylor gudoomiyaha guddiga Heyadda ka hortagga daawooyinka jirka adkeeya u sheegay qaybta caayaaraha ee BBC.

” Waxaan u baahanahay in aan Ruushka ka fahano waxa ay sharaxaadoodu tahay” ayuu hadkiisa ku daray.

Horay ayaa Ruushka loogu eedeeyay in Cayaaryahanadiisu ay isticmaalaan daawoyinka Jirka xoojiya.