Somali News

Ruushka oo sheegay in Iiraan aysan ku lug laheyn weerar ka dhacay xeebaha Imaaraadka.

Muqdisho-KNN-Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in aysan aaminsaneyn sheegashada la taliyaha amaanka Qaranka Mareykanka John Bolton oo aheyd in Iiraan ay ka danbeyso weerar bilowgii bishan lagu qaaday markab shidaal Sacuudiga Leeyahay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii shir Jaraa’id oo uu qabtay Bolton ku sheegay in weerarkii 12-kii bishan lagu qaaday Markabka Fujeyrah oo ka dhacay xeebaha Imaaraadka loo adeegsaday miinooyin lagu farsameeyay Iiraan.

Bolton ayaa soo bandhigin wax cadeymo ah oo muujinaya in Iiraan weerarka ay ka Danbeyso.

Wasiirka arimaha Ruushka Sergei Ryabkov oo ka hadlay maanta ayaa sheegay in uusan fileyn in Iiraan ka danbeyso falkaan waxaana uu sheegay in aan la rumeysan Karin sheegashada Mareykanka.