Somali News

Ruux lagu eedeyay in uu basaas u ahaa Imaaraatka oo isku dilay xabsi ku yaala Turkiga.

Muqdisho-KNN-Mid kamid labo ruux oo loo haystay in ay wax u basaasayeen dowlada Isutaga Imaataatka Carabta ayaa isku dilay xabsi ku yaala gudaha dalka Turkiga.

Wakaalada wararka ee Anadolu ayaa baahisay in waqti danbe la’ogaaday dhimashada ruuxan latuhunsanyahay in uu basaas u ahaa Imaaraatka.

Masuuliyiinta dowlada Turkiga ayaa sheegay in illaa iyo haatan ay baarayaan sida ay ugu suurta gashay in uu isdilo.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa goor sii horeysay baahisay in labada nin mid kamid ah uu Turkiga yimid bishii October ee sanadkii hore maalmo uun kadib markii ladilay wariye Jamal Khashoggi.

CIA’da Mareykanka iyo wadamo badan oo reer galbeed ah ayaa aaminsan in masuuliyada dilka wariyahaasi uu lahaa dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohamed Bin Salman.