Somali News

Ruuxii loogu doonista badnaa kooxda daroogada ka ganacsatada ee dalka Kolombiya oo gacanta lagu dhigay.

Muqdisho-KNN-Ruuxii loogu doonista badnaa kooxda daroogada ka ganacsatada ee dalka Kolombiya ayaa gacanta lagu dhigay sida uu sheegay madaxwaynaha dalkaasi.

Ninkaan oo lagu magacaabo Dairo Antonio Úsuga, ayaa laqabtay kadib howlgal ay siwada jir ah u sameeyeen ciidamada kala duwan ee wadankaasi.

Dowladda ayaa horay ugu yaboohday lacag gaareesa $800,000 oo ay siin doonto cidii soo sheegto xog laxariirta hogaamiyahan sidoo kale Maraykanka ayaa madaxiisa dul dhigay lacag gaareesa shan milyan oo doolar.