Somali News

RW Britain oo wajaheesa Caqabado iyo Wasiirkii 7aad oo Iscasilay.

Muqdisho-KNN-Sam Gyimah  oo ahaa Wasiirkii  wasaaradda cilmiga sayniska iyo Jaamacaddaha dalka UK  ayaa is casilay wuxuuna sheegay in isaga oo ay wanaag ka tahay uusan taageeri karin heshiiska ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub.

Waa Wasiirkii Todobaad oo iscasilay Bishaan Gudaheeda ,taasoo ku dhigan in wasiiradda ay kasoo horjeedaan qorshaha ka bixitaanka UK ee Yurub.

Iscasilaada Wasiirka ayaa timid ka dib markii Theresa May ay ku dhawaaqday in ay  heshay taageerada golaha wasiirrada ee heshiiska, islamarkaana baarlamaanka la horgeyn doono qorshaha ka bixitaanka Midowga Yurub ee Britain.

Tiro wasiirro ah ayaase la fahamsan yahay in ay sheegeen hadallo ka dhan ah arrintaas.

Waxaa la fahansanyahay in May aynan sidii loo baahnaa ama ay qorsheeneso aanay wax ugu qabsoomin waxaana xusid mudan in Reisulwasaarihii ka horeeyey Mr Cameroon in uu xilka kaga tagay sidii loo hana qaadi lahaa ka bixitaanka UK ay isaga baxayso dalalka midowga Yurub.