Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhagax dhigay dib udhis lagu sameynayo xaruntii wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo ku dhaw Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Mudane Khayre ayaa sheegay in dawladdu ay ku dadaaleeyso sidii dhamaan xarumaha dawladda loo dhisi lahaa oo dib loogu hawlgalin lahaa.
Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo la hadlay warbaahinta kadib dhagax dhigga ayaa sheegay in ay dayactirkani ay ka caawinayaan qaar kamid dawldaha taageera Soomaaliya.